Maamulihii Iskuulka Dayniile oo maanta lagu dilay qarax

Maamulihii Dugsiga Hoose/dhexe iyo Sare ee Dayniile, Daahir Xasan Tooxow ayaa ku geeriyooday qarax maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya nooca uu qaraxu ahaa. Wararka qaar waxay sheegayan inuu ahaa miinada nooca gawaarida lagu xiro, halka warar kalena ay sheegayan inuu ahaa qarax waddada dhinaceeda la dhigay.

Qaraxan ayuu burbur ka soo gaaray gaarigii uu watay, oo qaraxaasi uu ku haleelay laamiga Dayniile, gaar ahaan xaafadda Bangala.

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxa lagu dilay Maamulihii Iskuulka Dayniile. Shabaabku waxay qoraal ku sheegeen inuu ka mid ahaa Ergada Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ku soo dooratay Galmudug.

Daahir Xasan Tooxow ayaa si weyn looga garanayay Degmada Dayniile, isagoona ka mid ahaa waxgaradka degmadaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com