Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed ayaa soo geba-gabeeyay Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka, ka dib markii maanta Magaalada Baydhabo lagu doortay 7-dii kursi ee ugu dambeysay.
Xaawo Sokor Cali ayaa ku guuleysatay kursigii 1aad oo tirsigiisu ahaa #HOP047, ka dib markii ay 79 cod kaga guuleysatay gabadhii la tartameysay oo lagu magacaabo Faadumo Maxamed Isaaq oo heshay 18 cod. Kursigan ayaa ah midkii ay ku fadhisay Xildhibaan Xaniifa Maxamed Ibraahim Xaabsade, Wasiirka Haweenka & Horumarinta Xuquuqul Insaanka Somaliya.
Kursigii 2aad oo tirsigiisu ahaa #HOP172 ayaa waxaa ku guuleystay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, General Mahad Cabdiraxmaan Aadan. Kursigan waxaa horey ugu fadhiyay Xildhibaan Cali Caddow Maxamed.
Maxamed Abuukar Cabdi ayaa loo doortay inuu ka mid noqdo Xildhibaanada Golaha Shacabka, isagoona ku guuleystay kursiga #HOP164. Kursigan waa midkii uu hadda ku fadhiyay Xildhibaan Maxamed Isaaq Cismaan (Fanax).
Gudoomiyaha Gobolka Baay, Cumar Cali Isaaq (Cumar Balash) ayaa ku guuleystay kursiga #HOP197. Kursigan waxaa ku fadhiyay Xildhibaan Cabdifitaax Maxamed Ibraahim (Geesey).
Kursigii xigay oo tirsigiisu ahaa #HOP204 ayaa waxaa ku guuleystay Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Isaaq Cali Subag, waana kursiga uu hadda ku fadhiyay Xildhibaan Macalin Cali Aadan.
Kursigii 6aad oo tirsigiisu ahaa #HOP181 ayaa waxaa ku guuleysatay Maryan Macalin Isaaq, oo dib loogu soo doortay kursigaasi.
#HOP179 oo ahaa kursigii ugu dambeeyay waxaa ku guuleystay musharax Xildhibaan Maxamed Keerow Maxamed. Kursigan waxaa hadda ku fadhiyay Xildhibaan Maxamed Axmed Maxamed (Garweyne).
Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed ayaa qabtay dhammaanba 69-kii kursi ee deegaan doorashadoodu ahayd Koonfur Galbeed.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com