Sacuudiga oo dib u fasaxay dhoofka xoolaha nool ee Somaliya (SAWIRRO)

Dowladda Sacuudiga ayaa dib u fasaxday dhoofinta xoolaha nool ee Somaliya ee loo iibgeeyo dalkeeda, ka dib in ka badan shan sano oo dhoofka xooluhu uu hakad ku jiray.

Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay munaasabad ay labada dowladood ku shaacinayeen heshiiska dib u furidda dhoofka xoolaha nool. Munaasabadan waxaa ka qaybgalay xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Xukuumadda, Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo Safiirka Sacuudiga ee dalka u joogga, Ahmed Bin Mohamed Al-Muwallad.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliya, Maxamed Aadan Macalin (Maxamed Soomaali) ayaa sheegay in heshiiskan uu ku yimid, ka dib juhdi badan oo Dowladda Somaliya ay ku bixisay, sidii Sacuudiga uu dib ugu fasixi lahaa xoolaha Soomaalida.

“Maanta waxaa Ilaahay nagu guuleeyay dib u furidda dhoofka xoolaha Somaliya ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, oo shantii sano ee ugu dambeysay xayirnaa. Dadaal dheer iyo juhdi adag oo wasaaradda, madaxda dalka iyo ganacsatadaba ay ku bixiyeen, maanta ayaan u dagaaldegnay dib u furidda dhoofka xoolaha Somaliya.” Ayuu yiri Wasiirku.

Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Dalka oo ka hadlay munaasabadda ayaa Wasiirada Xanaanada Xoolaha, Maaliyadda iyo kan Arrimaha Dibadda ku ammaanay inay yihiin maskaxdii ka dambeysay in xayiraadda laga qaado xoolaha nool ee dalka.

“Markii aan dhigan jirnay Dugsiyada Hoose/dhexe iyo Sare waxaan in badan aynu maqli jirnay ama waxbarashadayna ka mid ahayd lafdhabarta dhaqaalaha dalku ama Somaliya waa xoolaha nool. Waayo Xoolaleydii iyo xoolo dhaqatadii dhaqdhaqaaq baa soo gelaya, bakhaareydii iyo ganacsatadii dhaqdhaqaaq dhaqaale baa soo gelaya, gaadiidleydii, biyaha (baraakadihii ama ceelashii) loo diyaariyay, cowskii iyo calafkii kale, gaadiidkii dadweynuhu raacayay illaa dalaalkii iyo qofkii ka sii ganacsanayay illaa marka u dambeysa markabkii la saarayay, dhakhligii dowladda soo gelayay. Dhaqdhaqaaqaas oo dhan buu dhalinayaa ganacsiga xooluhu.” Ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Sacuudigu waa suuqa ugu weyn ee loo iibgeeyo xoolaha nool ee Somaliya.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com