Somaliland oo shaacisay in Sheekh Aadan Sunne uu ka baxsaday Magaalada Hargeysa

Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Aadan Sunne) uu ka baxsaday deegaanada Somaliland.

Wasiir Kuxigeenka Amniga Somaliland, Cabdullaahi Xuseen Maxamed ayaa sheegay in Sheekh Aadan Sunne uu u baxsaday Gobolada Koonfurta Somaliya.

“Waxaan kuu caddeynaya ninkaa wadaadka ah ee Sheekh Aadan Sunne la yiraahdo waa nin isagu Somaliland iskiis uga guuray, qoyskiisiina isagaa ka rartay, cid ammaan darro ku sababtayna ma jirto, cid wax u dhintayna ma jirto.” Ayuu yiri Wasiir Kuxigeenka Amniga Somaliland.

Waxa kaloo uu yiri “Warka aanu hayno wuxuu sheegaya in niman ay saaxiibo yihiin oo Koonfurta joogga oo berrigii horeba lagu xaman jiray inuu afhayeen u yahay inuu u tagey. Nimankaasi waa ururada Koonfurta ka jira.”

Wasiir Kuxigeenka oo BBC la hadlay ayaa yiri “Hadda baaritaan xoog leh baanu wadnaa, baaritaankaasi wuxuu saamayn doonnaa dhammaan cid kasta oo arrintaasi ka taakuleysay Sheekh Aadan Sunne inuu Magaalada Hargeysa ka guuro, oo uu saaxiibadii lagu xaman jiray u taggo.”

Cabdullaahi Xuseen Maxamed, Wasiir Kuxigeenka Amniga Somaliland ayaa tilmaamay in Sheekhu uu horey u sii kaxeystay dhammaanba xubnihii qoyskiisa.

“Sheekh Aadan Sunne caa’iladiisii oo dhana waa raray, waxbana kama tagin. Macluumaadka qaarkood waxay noo sheegayan in uu illaa waalidiintii kaxeeyay, wixii ka noollaa.” Ayuu yiri Wasiir Kuxigeenka Amniga.

Waxa uu intaasi ku daray “Marka uu baxayay haddii la ogyahay, waa la qaban lahaa, ileen ninku waxaa lagu sii daayay damiin, oo uu ku joogay, marka haddii ay laamaha amnigu ogaan lahaayeen xilliga uu baxayay waa la qaban lahaa.”

Mar Wasiir Kuxigeenka wax laga weydiiyay halka uu hadda ku sugan yahay Sheekh Aadan Sunne ayaa ku jawaabay “Wararka na soo gaaraya waxay sheegayan Gobolka Jubbada Dhexe in uu jooggo.”

Gobolka Jubbada Dhexe oo ka tirsan deegaanada Jubbaland waa gobolka keliya ee sida buuxdo uu Ururka Al Shabaab uga arrimiyo.

Sheekh Aadan Sunne ayaa dhowr jeer lagu xiray Magaalada Hargeysa, iyadoona uu aad u dhaliili jiray Somaliland.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com