Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo ka horyimid jadwalka cusub ee doorashada dalka

Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa ka horyimid jadwalka cusub ee xalay uu soo saaray Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal. Jadwalka ayaa ahaa mid lagu dhameystirayay doorashooyinka dalka.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay laga bilaabo maanta illaa 23-ka bishan in la soo uruurin doono dokumentiyada Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, lana guddoon-siin doono shahaadooyin, wixii loo gaaro 5-ta bisha soo socoto ee April, ka dibna la dhaarin doono 14-ka bishaasi.

Labada maamul ayaa qoraalo ku sheegay in cidda keliya ee jadwaleynta iyo dhameystirka hannaanka doorashada iska leh ay tahay Golaha Wadatashiga Qaran.

Axmed Shire Falagle, Wasiirka Warfaafinta Galmudug oo goor dambe hadlayna waxa uu diidmadooda ku sababeeyay, iyadoo ay jiraan wax horey loogu heshiiyay.

“Sababuhu, sababo colaadeed ma’ahan ee nidaam lagu heshiiyay ayaa jiray oo ahaa in doorashada la qabto. Guddi la yiraahdo Guddiga Midnimada Qaran oo Dowlad Goboleedyadu ay xubno ka yihiin ayaana nidaamkaas hoggaaminayay, Dowlad Goboleed kastana iyadaa u madaxbannaaneyd doorashadeeda.” Ayuu yiri Wasiir Falagle.

Wasiir Falagle ayaa yiri “Meeshii aan ka fileynay in la iclaamiyo goobtii la isugu imaan lahaa iyo xilliga la isku imaan lahaa, oo qolo weliba ay wax qabadkeedii, diyaarintii iyo jaangooyadii la isla meel dhigi lahaa ayaynu warqadaasi ku aragnay barraha bulshada, iyadoo aan nalaga talagelin.”

Tallaabada ay labada maamul kaga horyimaadeen jadwalka cusub ayaa ku soo aadaya, xilli Talaadadii ay soo geba-gabeeyeen Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka, halka Dowlad Goboleedyada kale aysan weli soo geba-gabeen.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com