Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa xalay soo saaray jadwal cusub, oo lagu dhameystirayo hannaanka doorashada dalka.
Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegay laga bilaabo maanta illaa 23-ka bishan in la soo uruurin doono dokumentiyada Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, lana guddoon-siin doono shahaadooyin, wixii loo gaaro 5-ta bisha soo socoto ee April, ka dibna la dhaarin doono 14-ka bishaasi.
Tani ayaa ku soo aadaysa, xilli Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ay qabtaan inta badan Doorashada Xildhibanaada Golaha Shacabka, qaarkoodna ayba soo geba-gabeeyeen.
Tirada guud Xildhibaanada Golaha Shacabka ee illaa iyo hadda la doortay ayaa ah 236 Xildhibaan, oo 49 ka mid ah ay haween yihiin.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com