Mowqifka Midowga Yurub ee dib u dhaca Doorashada Golaha Shacabka

Safiirka Midowga Yurub ee Somaliya, Marwo Tiina Intelmann oo maanta shir jaraa’id ku qabatay Magaalada Muqdisho ayay kaga hadashay abaaraha baahsan ee dalka ka jira, iyadoona sheegtay in meelaha ay kormeereen oo dalka ka mid ah ay ka jiraan abaaro ba’an.

Tiina Intelmann oo wax laga weydiiyay sida Midowga Yurub u arko dib u dhaca mar kale ku yimid Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ayay sheegtay inay Soomaalidu u taalo dhameystirka doorashada.

Waxay hadalkeeda ku bilowday “Marka ay doorashadu noqoto wax qarsoon maaha in xilliga doorashooyinka ay ka dib dhaceen. Midowga Yurub waxa uu ku bixiyay mallaayiin lacag ah in lagu taageero hannaanka doorashooyinka, si Soomaalida looga gacansiiyo, sidii ay u qaban lahaayeen doorasho qof & cod ah iyo in la taageero nidaamka iminka socda ee hannaanka xulashada, balse kama mid ahan saamileyda. Saamileydu waa Soomaalida.”

Waxa kaloo ay tiri “Waxaan sheegnay inaan kalsooni ku qabno Ra’iisal Wasaaraha iyo awoodda uu u leeyahay inuu doorashooyinkan qabto. Wax badan ayaa inoo dhiman inaan aragno, waxaan rajaynaynaa in xilwareejinta masuuliyiinta ay noqoto mid nabdoon.”

Tiina Intelmann ayaa hadalkeeda raacisay “Waxaan doonayaa in mar kale aan si toos ah u sheego in aan taageero weyn siino laamaha amniga ee dalka, waxaan gacan ka gaysanay dhismaha ciidamada ammaanka iyo howlaha uu wado Midowga Afrika.”

Waxa ay intaasi ku dartay “Ka Midowga Yurub ahaan waxaan halkan u joognaa inaan qiimayn ku sameyno, muddana qiimayntaas ayaan wadnay, balse Soomaalida ayay u taallaa inay sii wadaan oo dhameystiraan doorashooyinka.”

Midowga Yurub ayaa lagu tilmaamaa mid muhiim u ah Dowladnimada Somaliya, oo uu ka caawiyo arrimaha amniga, maalgelinta doorashooyinka iyo dhameystirka Dastuurka Qabyo Qoraalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com