Puntland oo shaacisay odayaasha soo xulaya ergada soo dooraneysa 6 kursi

Guddiga Doorashada Puntland ayaa gelinkii dambe ee maanta shaaciyay liiska Odayaasha Dhaqanka iyo Xubnaha Bulshada Rayidka ee soo xulaya ergada soo dooraneysa 6 kursi.

Kuraastan oo lagu wado in lagu doorto Magaalada Garoowe waxa uu tirsigoodu yahay #HOP191, #HOP129, #HOP221, #HOP073, #HOP199 iyo #HOP198.

Puntland, Hirshabelle iyo Jubbaland ayaa ka dib dhacay xilliga loo muddeeyay in doorashada lagu soo geba-gabeeyo, oo 15-kii bishan ku beegneyd.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com