Diyaarad nooca militariga oo siday raashiinkan ayaa galabta ka soo degatay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Dowladda Qatar oo ka jawaabeysa baaqa Dowladda Somaliya ayuu Safiirkeeda dalka u joogga, Hassan bin Hamza uu raashiinkaasi ku wareejiyay xubno ka tirsan Guddiga Gurmadka Abaaraha.
Hay’adda Qatar Charity oo fududeysay in raashiinkan dalka la soo gaarsiiyo ayaa loogu talagalay in la gaarsiiyo dadka Soomaaliyeed ee abaarta la tabaaleysan.
Somaliya waxaa abaaraha soo noqnoqday u sii dheer dagaalka muddada soddonka sano ka badan ka socdo, fatahaado iyo koran-korada ayaxa ee mararka qaarkood cagta marinaya dalagyada beeraha.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com