Madaxweynaha Galmudug oo ka digay dib u dhac dambe

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa si maldahan uga horyimid jadwalka cusub ee habeen hore ay soo saareen Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal, kuna qotomay dhameystirka hannaanka doorashada dalka.

Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa Arbacadii ka horyimid jadwalkaasi, waxayna qoraalo ku sheegeen in cidda keliya ee jadwaleynta iyo dhameystirka hannaanka doorashada iska leh ay tahay Golaha Wadatashiga Qaran.

Madaxweynaha Galmudug oo xalay ka hadlayay munaasabad lagu soo xirayay Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Talaadadii Galmudug ku soo geba-gabeysay Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay inaanu dalku u baahnayn dib u dhac dambe.

“Waxaan doonaynaa in doorashada horey loo galo, oo aan dalka lagu celinin amaba uusan ku sii jirin jiitan iyo dib u dhac dambe.” Ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.

Madaxweynaha ayaa yiri “Anaga haddaan nahay reer Galmudug waxaan doorashada u bilownay, waqtigii loogu talagalayna u dhameynay waxa ay ahayd waqtigii ka lumay dalka inuusan dib uga sii lumin oo doorashadii la galo, oo saaxiibadii Beesha Caalamka ee Somaliya gacan siinayay aysan niyad jab intaa ka badan nagu qabin, oo Soomaalidu dhibaato intaa ka badan ku sii jirin.”

Waxa uu tilmaamay in wax badan ay ku xiran yihiin qabsoomidda doorshada, oo ay ugu horeyso sida uu yiri la dagaalanka argagixisada.

“Doorashadan inay qabsoomto wax badan baa ku xiran, waxaa ku xiran la dagaalankii argagixisada, waxaa ku xiran la dagaalanka abaaraha iyo dhibaatada, waxaa ku xiran dalku inuu horey u socdo, inta aan sheegnayna way ka faa’iideysaneysaa dib u dhaca, kala daadashada iyo jiitinka doorashada, oo ay ugu daran tahay argagixisadu. Sidaasi darteed intaan qabno dalku intuu dib u dhac qabaa ku filan, wax kalena uma noqdaan.” Ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor.

Qoorqoor ayaa intaasi ku daray “Waxaan doonaynaa, maadaama uu dhammaaday waqtigii ugu dambeeyay ee la isku qabtay in doorashadii horey loo galo, si waafaqsan nidaamyadii iyo heshiisyadii la galay, dalkuna uu ka baxo dabacaas iyo jiitinkaasi soo jiray muddada dheer.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com