
Ka dib markii lagu guuldareystay in Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka lagu soo geba-gabeeyo xilligii loo muddeeyay oo ku beegneyd 15-kii bishan ayuu Mareykanku sheegay inuu ballaarinayo tirada shakhsiyaadka Soomaalida ee laga xayirayo fiisaha dal ku-galka.
Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in xayiraadaha lagu bartilmaameedsan doono shakhsiyaadka la rumeysan yahay inay caqabadda ku yihiin hannaanka dimoqraadiyadda ee Somaliya.
Waxaan tallaabadan u qaadeynaa, iyadoo la eegayo siyaasadda aan sharciyeenay 8-dii bishii February 2022, qaybteeda 212, faqradda ABC ee xeerka socdaalka iyo jinsiyadaha, si loo xayiro bixinta dal ku-galka kuwo la rumeysan yahay inay masuul ka yihiin amaba ku leh wiiqitaanka hannaanka dimoqraadiyadda ee Somaliya.” Ayaa bayaanka lagu sheegay.
Bayaanka ayaa lagu yiri “Iyadoo la dhiirigelinayo horumarka la sameeyay dhowrkii toddobaad ee ugu dambeeyay, haddana waxaa jira in ka badan 30 kursi baarlamaan oo aan weli la buuxinin, waxaana jira sii socoshada warar lagu kalsoon yahay oo ah khaladaad hannaanka doorashada ah.”
Waxa kaloo lagu sheegay “Saxafiyiinta iyo xubnaha mucaaradka ee ka shaqeynaya inay taageeraan hay’adaha dimoqraadiga iyo hannaanka daahfurnaanta ayaa lala beegsaday handadaad, caburin, xarig iyo xasarad.”
Bayaanka ayaa lagu sheegay in Mareykanku uu sii wadi doono beegsiga dheeriga ah, iyadoo la eegayo siyaasadda iyo agabka kale ee loo baahan yahay, si loo kobciyo isla xisaabtanka, loona taageero in dhabo lagu kalsoon yahay oo hufan lagu soo geba-gabeeyo geeddi-socodka doorashada dalka.
Bayaanka ayaa ugu dambayn lagu sheegay in Washington ay si weyn u taageersan tahay dadka Soomaaliyeed, ayna ka go’an tahay ka shaqaynta horumarinta dimoqraadiyadda iyo barwaaqo wadaaga.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com