Axmed Madoobe oo la kulmay Wakiilada Midowga Yurub (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta Wakiilada Midowga Yurub ee dalka kala qaybgalay kulan ay ka lahaayeen xaaladda dalka, isagoona warbixin ka siiyay qodobo dhowr ah.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland oo kulankan lagu faah faahiyay ayaa u qornaa “Madaxweynaha Dowladda Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka qaybgalay kulan ay lahayeen Wakiilada Midowga Yurub ee Somaliya, oo lagaga hadlayay waqtiga kala guurka ah ee hawlgalka AMISOM, iyadoo kulanka lagaga hadlayay arrimaha ammaanka Somaliya iyo qorshaha ATMIS ee lagu badalayo hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Madaxweynaha ayaa ugu horayn ka hadlay xaaladda amaanka Somaliya, oo uu sheegay in ay weli gebi dhaclaynayso, isla-markaana uuna muuqan hannaan isku xiran oo lagaga shaqaynayo amniga dalka.

Waxaa Madaxweynuhu uu sheegay in hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM uu shaqo wanaagsan soo qabtay bilowgii, kaas oo lagu xoreeyay qaybo badan oo dalka ka mid ah, isla-markana natiijooyin wax ku ool ah laga gaaray, balse sanadihii dambe uu noqday mid fadhiid ah oo aan u shaqayn sidii loogu talagalay, taas oo sababteeda ay leeyahiin Dowladda Federaalka, wadamada ciidamadu ay ka jooggan Somaliya iyo deeq-bixiyayaasha.

Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray in Dowladda Federaalka ay ka gaabisay hannaanka isku xirka amniga qaranka, isla-markana ay Ciidamada Dowladda u isticmaashay arrimaha siyaasada, taas oo qayb weyn ka ah gaabiska dhinaca amniga ah ee ka jira Somaliya iyo sidoo kale inay dayacday fursadahii hoggaaminta hawlgalka AMISOM iyo diyaarinta ciidamo qaran oo dalka oo dhan laga qoray oo mustaqbalka la wareegga amniga dalka.

Waxaa Madaxweynuhu uu xusay in Dowladda Federaalka ay ka baxday heshiisyadii amniga, ee ay wada gaareen dhammaan saamileyda Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah, sida heshiisyadii amniga ee Baydhabo iyo London ee sanadkii 2018.

Dalalka ay ciidamadu ka joogaan Somaliya ayuu Madaxweynuhu sheegay in ay qayb ka yihiin gaabiska ku yimid hawlgalada AMISOM, iyagoo faragelin ku sameeyay siyaasadda gudaha ee Somaliya, isla-markana dhumiyay shaqadii ay ciidamadoodu u jooggeen dalka.

Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu sheegay in qorshaha kala guurka ee amniga dalka uu yahay mid wanaagsan, balse uu u baahan yahay ka go’naansho iyo fulin dhab ah, inkastoo intaasba aan looga baran Dowladda Federaalka ah.

Ugu dambayntii Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in dagaalka Al Shabaab guul lagaga gaari karo in la helo isku xirnaanta hay’adaha amniga Somaliya iyo in la qaado hawlgal mideysan oo dalka oo dhan ah, si ayna iskugu gurman. Midowga Yurub iyo deeq-bixiyayaasha ayuu Madaxweynahu xusay in baahi weyn loo qabo isla xisaabtan dhab ah, oo la xiriira deeqaha amni ee dalka la siiyo inay noqdaan kuwo miro dhal ah oo laga gaari karo hadaf sax ah.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com