Magacyada: 6 Xildhibaan oo lagu doortay Magaalada Garoowe + SAWIRRO

Guddiga Doorashada Puntland ayaa maanta soo geba-gabeeyay Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka, ka dib markii kuraastii ugu dambeysay lagu doortay Magaalada Garoowe.

Illaa lix Xildhibaan ayaa lagu doortay Xerada 54aad ee Magaalada Garoowe, iyadoona mid ka mida xubnaha la doortay ay gabar ahayd.

Magacyada xubnaha la doortay ayaa kala ah Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare), oo ah Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland, Cismaan Cali Yuusuf, Maxamed Cabdullaahi Keyse, Cabdullaahi Maxamed Jaamac, Cabdirisaaq Xasan Maxamed iyo Sacdiyo Yaasiin Samatar oo dib loogu soo doortay kursigii ay ku fadhisay.

Puntland ayaa noqonaysa Dowlad Goboleedkii 3aad ee soo geba-gabeeya Doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, ka dib Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo Talaadadii soo geba-gabeeyay.

Dowlad Goboleedyada Hirshabelle iyo Jubbaland ayay weli baaqi ku yihiin tiro kuraas ah, iyadoo Jubbaland ay yaallaan kuraasta ugu badan ee aan la dooran.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com