Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo maanta ka hadlay Barnaamijka Kulanka Toddobaadka ee Warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyay qodobo dhowr ah, oo ay ku jiraan xaaladda amni ee dalka.
Taliyaha waxa uu sheegay in ay socdaan howlgalo joogto ah oo lagu sugayo amniga, isla-markaana ay horsed ka yihiin Ciidanka Booliska, hay’adaha amniga iyo Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Taliyaha ayaa sheegay in lagu jiro xilligii soo kabashada, sidaa daraadeed, waxa uu ku baaqay in si wadajir ah looga hortaggo cid kasta oo isku dayda ay wiiqdo amniga dalka iyo horumarada kale ee jira.
General Xijaar ayaa xusay in siyaabaa looga bixi karo dhibaatooyinka bulshada ay tahay in la helo wecyigalin ku aaddan ogaanshaha qaabka shaqo ee loo baahan yahay in ay dhexmarto ciidanka iyo bulshada.
Taliyuhu waxa uu ugu dambeyntii faray Xoogaga Booliska in shacabka ay kula dhaqmaan sida ugu haboon ee ay ku jirto danta, sharafta iyo karamada bulshada, wuxuuna dhanka kale u mahadceliyay ciidamada shishee ka qayb qaata sugidda amniga ee dalka.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com