Wararkii ugu dambeeyay dagaalka dalka Ukraine

Ciidamada Ruushka ayaa maanta garaacay goob ku dhow Garoonka Diyaaradaha Magaalada Galbeedka Ukraine ku taala ee Lviv, waana magaaladii ugu dambeysay ee dalkaasi uu ku fido dagaalka.

Duqa Magaalada Lviv, Andriy Sadovyi ayaa sheegay in gantaalaha Ruushka ay ku dhaceen xarun lagu dayactiro diyaaradaha, isla-markaana uu burbur xoogan ka soo gaaray.

Duqa Magaalada Lviv waxa kaloo uu sheegay in gantaalada Ruushka ay burburiyeen dhismayaal kale oo dhowr ah, dacalkana ku haya garoonkaasi.

Muuqaalo lagu baahiyay barraha bulshada ayaa muujinaya uur xoog leh oo ka soo baxaysa dhinaca garoonkaasi, isuna shareereysa cirka.

Andriy Sadovyi ayaa Warbaahinta u sheegay inaysan jirin cid wax ku noqotay duqeyntaasi, inkastoo markii dambe ay maamulayaasha sheegeen in hal qof uu ku dhaawacmay, iyadoo garoonkan uu yahay kan ugu weyn ee ku yaala dalkaasi.

Lviv oo ku dhow xuduudda dalka Poland ayaa saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay ahayd goob ay ku nabadgalaan barakacayaasha dalkaasi.

Siyaasiga caanka ah ee reer Ukraine, Dmytro Gurin ayaa sheegay in weerarkani uu muujinayo inaanu jirn meel ammaan ah, guud ahaanba dalkaasi.

“Ciidamada Ruushka waxay gantaalo iyo bambaanooyin ka soo dhacayo diyaarado ku garaaceen meel kastoo ay gaaraan.” Ayuu yiri Dmytro Gurin.

Gurin ayaa yiri “Maanta waxay garaaceen xarun lagu cilad bixiyo diyaaradaha, tani waxay ka dambeysay, markii Ruushka uu fahmay inaysan nooga adkaan karin furimaha dagaalka, ayna bilaabeen inay ciribtiraan dadka rayidka ah, cagtana ay mariyaan warshadahayaga wax soosaara iyo guud ahaanba dalka.”

Dhanka kale Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in Ciidamada Ruushka ay maanta bartilmaameedsadeen dhisme jaamacadeed iyo goobo kale oo ku yaala magaalada labaad dalkaasi ugu weyn ee Kharkiv, waxayna xaqiijiyeen dhimashada hal qof iyo dhaawaca kow iyo toban kale.

Wasiirka Gaashaandhigga Ruushka, Sergei Shoigu ayaa sheegay in dagaalku uu gaaray Bartamaha Magaalada Mariupol. Mariupol ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay ahayd mid go’doonsan.

Maamulka Magaalada Kiev ayaa Jimcahan soo bandhigay macluumaad la xiriira tirada dadka reer Kiev ee ku dhintay hujuumka ay Ciidamada Ruushka ku hayaan magaaladaasi. Maamulka ayaa sheegay in 222 qof lagu dilay magaalada, tan iyo markii uu dagaalku bilowday, ayna dadkaasi ku jiraan 64 qof oo rayid ah, oo 4 ka mida ay carruur yihiin, halka 889 kalena lagu dhaawacay.

Ciidamada Ruushka oo weli aan gudaha u gelin magaalada caasimadda ee Kiev ayaa har iyo habeenba ka gaysanaya duqayn aan kala joogsi lahayn.

Iska caabinta ay sameynayan xoogaga wax iska caabinta ayaa yareysay dhaqdhaqaaqii Ciidamada Lugta ee Ruushka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com