Guddiga Doorashada Jubbaland oo shaaciyay odayaasha soo xulaya ergada 2 kursi

Guddiga Doorashada Jubbaland ayaa goor dambe oo xalay ahayd shaaciyay liiska Odayaasha Dhaqanka iyo Xubnaha Bulshada Rayidka ee soo xulaya ergada soo dooraneysa 2 kursi.

Kuraastan oo tirsigoodu kala yahay #HOP029 iyo #HOP124 ayaa ka mid ahaa 4 kursi oo jadwal doorashadooda la shaaciyay 15-kii bishan, laguna dooran doono Magaalada Kismaayo.

Jubbaland ayaa waxaa ku harsan 20 kursi, kuwaa oo 4 ka mida ay yaallaan Magaalada Kismaayo, halka 16-ka kalena ay yaallaan Magaalada Garbahaarey.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com