Waa imisa tirada kuraasta Golaha Shacabka ee doorashadoodu harsan tahay?

Inkastoo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowaldda Federaalka ay qabteen inta badan doorashada kuraasta Golaha Shacabka ayaa waxay haddana weli kuraas ku harsan yihiin Dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Hirshabelle.

Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa doorashada ku soo geba-gabeeyay muddadii lagu heshiiyay oo ku beegneyd 15-kii bishan, halka Puntland ay Jimcihii u suurtagashay inay qabato doorashada 6-dii kursi ee ku harsaneyd.

Golaha Shacabka oo ka kooban 275 Xildhibaan ayaa waxaa illaa iyo hadda la doortay 242 Xildhibaan, kuwaa oo 50 ka mida ay dumar yihiin.

Tirada kuraasta Golaha Shacabka ee harsan oo 33 kursi ah ayaa waxay 20 ka mid ah ku harsan yihiin Jubbaland iyo Hirshabelle oo 13 kursi ay ku dhiman yihiin.

Kuraasta baaqiga ku ah Jubbaland, 4 ka mid ah waxa ay yaallaan Magaalada Kismaayo, kuwaa oo maalmaha soo socdo lagu wado in doorashadooda la qabto, halka kuwa yaala deegaan doorashada 2aad Jubbaland ee Garbahaarey aan la garanayn goorta doorashadooda la qaban doono.

Guddiga Doorashada Jubbaland waxay Talaadadii shaaciyeen in muddo laba toddobaad ah ay ku qaban doonaan doorashada kuraasta Golaha Shacabka.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa Universaltv u sheegay inaanan weli wax xal ahi laga gaarin caqabadda ku horgudban kuraasta taala Xarunta Gobolka Gedo ee Garbahaarey, inkastoo ay socdaan dadaalo ay tahay in xal lagaga gaaro is mari-waaga hareeyay doorashadaasi.

Dhanka kale kuraasta ku harsan Dowlad Goboleedka Hirshabelle waxay 9 ka mid ah yaallaan Magaalada Beledweyne, kuwaa oo qaarkood ay caqabad ka taagan tahay. Beledweyne waa deegaan doorashada 2aad ee Hirshabelle.

Hirshabelle iyo Jubbaland ayaa laga dhawrayaa in doorashada Baarlamaanka Federaalka ay soo geba-gabeeyan ugu dambayn 31-ka bishan March.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com