Ciidamada Ruushka oo duqeeyay iskuul ay deganayeen 400 oo qof

Maamulka Magaalada Mariupol ee dalka Ukraine ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ee Ruushka ay bartilmaameedsadeen iskuul fanka lagu baran jiray oo ku yaala magaaladaasi.

Iskuulka fanka ee Levoberezhny ayaa waxaa hadda deganaa oo gabaad ka dhiganayay illaa 400 oo qof, oo duqaymuhu ay ka barakaciyeen guryahooda.

Maamulka Mariupol ayaa sheegay in dhismaha iskuulka ee la burburiyay ay hoy ka dhiganayeen dad u badan carruur iyo haween, isla-markaan aysan weli haynin faah faahinta khasaaraha ka dhashay duqayntaasi.

Vadym Boichenko, Duqa Magaalada Mariupol ayaa ficilada Ciidamada Ruushka la barbardhigay midkii Naaziyiinta Jarmalka ay ka gaysteen dalkaasi, xilligii dagaalka 2aad ee adduunka.

Ciidamada Ruushka ayaa la wareegay inta badan gacan ku haynta magaalada dekedda leh ee Mariupol, oo xudun u noqotay waxyeelada ay ka gaysanayan dalkaasi.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy ayaa go’doominta iyo la wareegidda magaaladaasi ku tilmaamay dembi dagaal, oo qarniyo la xusuusan doono, sida uu yiri.

“Dadka waxaan ka sameynaya magaalo nabdoon, waa wax argagax leh, waana dembi dagaal oo la xusuusan doono qarniyo soo socda.” Ayuu Madaxweyne Zelenskyy ku sheegay muuqaal uu soo duubay.

Magaalada waxaa ka jirta xaalad bani’aadanimo oo ka dhalatay go’doominta daran iyo duqaynta joogtada ah ee Ciidamada Ruushka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com