Deni oo ku dhawaaqay in uu yahay musharax Madaxweyne (SAWIRRO)

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay Magaalada Garoowe kaga dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan jegada madaxtinimada Somaliya.

Madaxweynaha ayaa murashaxnimadiisa kaga dhawaaqay kulan ay fadhiyeen Xildhibaanada Baarlamaanka Federaal ee dhawaan lagu doortay Puntland.

“Waxaan rabaa caawa inaan dadka reer Puntland iyo dadka Soomaaliyeedba u sheego in aan u taaganahay qabashada xilka Dowladda Federaalka Somaliya.” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Waxa kaloo uu yiri “Shaqadaas muddada saddexda sano ah aan soo wadnay aniga, asxaabtayda iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed ee wanaagga jecel waxaan rajaynaya in ay miro dhasho.”

Murashaxiinta kale ayuu ugu baaqay inay u midoobaan, sidii aanu xafiiska u sii jooggi lahayn Madaxweynaha hadda talada dalka haya.

“Waxaan halkan baaq uga diraya dhammaan musharaxiinta Madaxweynaha Somaliya in ay ku midoobaan in maamulka hadda jira la bedelo, hadafka u weyn oo aynu leenahay waa in uusan sii jooggi karin Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, si dalka loo samata-bixiyo oo uu hore u socdo. Hadafka koobaad oo aan leenahay waa kaas, waxaan rabaa inaan kala shaqeeyo cid kastoo hadafkaas leh.” ayuu yiri Deni.

Deni oo muddo dheer la tuhunsanaa inuu yahay musharax Madaxweyne ayaa hadda ku biiraya liiska tobaneeyo musharax, oo doonaya inay qabtaan xafiiska ugu sarreeya ee dalka looga arrimiyo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com