Guddiga Doorashada Jubbaland ayaa saqdii dhexe ee xalay soo saaray liiska Odayaasha Dhaqanka iyo Xubnaha Bulshada Rayidka ee soo xulaya ergada soo dooraneysa 2-dii kursi ee ugu dambeysay ee lagu dooran doono Magaalada Kismaayo.
Kuraastan oo jadwal doorashadooda la shaaciyay 15-kii bishan ayaa kala ah #HOP133 & #HOP219.
Guddiga Doorashada Jubbaland ayaa fiidnimadii xalay Magaalada Kismaayo ku qabtay doorashada 2 kursi, kuwaa oo niman dhallinyaro ahi ay ku soo baxeen.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com