Madaxweynaha Ukraine oo Ruushka ugu baaqay inuu dantiisa garowsado, dagaalkana uu joojiyo

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy ayaa markii ugu horeysay Ruushka ugu baaqay in uu dantiisa garowsado, uuna joojiyo duulaanka uu dalkiisa ku hayo, haddii kalena ay muddo dheer ku qaadan doonto in uu ka soo kabsado cawaaqibka duulaankaasi.

Madaxweynaha Ukraine ayaa muuqaal uu soo duubay ku sheegay in la jooggo xilligii dagaalka la joojin lahaa, loona jeedsan lahaa dhanka wada hadalada ee looga gudbi lahaa colaadda.

Madaxweynaha ayaa sheegaya inay doonayaan wada hadalo fool ka fool leh, oo ay la yeeshaan Ruushka, si wada hadaladu ay u miro dhalaan.

“Waxaa muhiim ah wada hadalo nabadeed oo la xiriira amnigayna iyo midka Ukraine-ba, waanu u khalanaa cadaaladda, mana ahan in laga daaho. Tani waa fursadda keliya ee uu haysto Ruushka, si ay u yareeyaan khasaaraha ka soo gaaraya khaladaadkooda.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa yiri “Mar walba waxaan ku adkeysanaynaa wada xaajoodyada, mar kastana gogol baan fidinaynaa, waxaana ku baaqaynaa xal nabadeed.”

Waxa kaloo uu yiri “Waxaan doonayaa inuu qof weliba i maqlo hadda, gaar ahaan kuwa joogga Moscow, waxaa la gaaray waqtigii kulanka, waa waqtigii la wada hadli lahaa, waxaana la jooggaa xilligii Ukraine dib loogu soo celin lahaa sharafta dhulka iyo cadaaladda.”

Madaxweyne Zelenskyy ayaa intaasi ku daray “Haddii aysan taasi dhicin, khasaaraha gaari doona Ruushka wuxuu noqon doonnaa mid ay ka soo kabsan waayaan jiilal badan oo soo socda.”

Hadalka ka soo yeeray Madaxweynaha Ukraine ayaa ku soo aadaya, xilli dagaalku uu khasaaro badan ka soo gaarayo labada dhinac.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com