Madaxweyne Guudlaawe oo xilka ka qaaday Gudoomiyihii Guddiga Doorashada Hirshabelle

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa xilkii Gudoomiyenimo iyo xubinimada Guddiga Hirgelinta Doorashada Hirshabelle ka qaaday Axmed Xasan Diini.

Madaxweynaha ayaa wareegto ku soo magacaabay Maxamed Xuseen Maxamed (Waadi) in uu noqdo Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Hirshabelle.

Tallaabada xilka looga qaaday Axmed Xasan Diini, Gudoomiyihii Guddiga Doorashada Hirshabelle ayaa ku soo aadaysa, xilli khilaaf uu hareeyay doorashada kuraasta taala Beledweyne.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com