Rooble oo soo dhaweeyay xil ka qaadista Gudoomiyihii Guddiga Doorashada Hirshabelle

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay tallaabada uu Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) uu xilka kaga qaaday Gudoomiyihii Guddiga Doorashada Hirshabelle, Axmed Xasan Diini.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa lagu yiri “Ra’iisal Wasaaraha XFS, Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu si dhaw ula socdaa, juhdina ku bixinayaa dhameystirka doorashada kuraasta Golaha Shacabka BFS ee weli harsan, isagoo kala shaqaynaya Madaxda Dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Hirshabelle.

Ra’iisal Wasaaruhu waxa uu u hambalyaynayaa Maxamed Xuseen Maxamed oo xubin ka noqday Guddiga Doorashada Hirshabelle, kaas oo bedelaya Axmed Xasan Diini, waxa uuna farayaa dhammaan Guddiyada Doorashooyinka in ay ku shaqeeyan habraacyada iyo heshiisyada doorashada, ilaaliyaanna kala dambaynta.”

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Ra’iisal Wasaaruhu uu khadka teleefanka kula xiriiray Madaxweyne Guudlaawe, isla-markaana uu kala hadlay inaanan shakhsiyaad gaar ah loo xirin kuraasta taala Beledweyne.

“Ra’iisal Wasaaraha oo khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Guudlaawe Xuseen ayay ka wada hadleen in kuraasta Xildhibaanada ee taala Beledwayne loogu tartamo si furan, isla-markaana aan shakhsi gaar ah loo xirin.”

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu yiri “Ugu dambayn Ra’iisal Wasaaraha XFS waxa uu ku boorinayaa Madaxda Jubbaland iyo Hirshabelle in ay sida ugu dhakhsaha badan u soo dhameystiraan Kuraasta Golaha Shacabka ee harsan.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com