Guddiga Doorashada Jubbaland ayaa soo geba-gabeeyay doorashada deegaan doorashada 1aad ee Jubbaland, ka dib markii 2-dii kursi ee ugu dambeysay maanta lagu doortay Magaalada Kismaayo.
Kursiga 1aad oo tirsigiisu ahaa #HOP133 ayaa waxaa ku guuleystay musharax Xildhibaan Maxamed Xasan Aadan, ka dib markii uu u tanaasulay Maxamuud Axmed Xasan.
Roodo Carab Cabdi ayaa ku guuleysatay kursigii 2aad oo tirsigiisu ahaa #HOP219, ka dib markii ay 78 cod kaga adkaatay Faadumo Cabdi Cali oo heshay 20 cod.
Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Jubbaland, Siyaad Maxamed Mursal ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada.
Jubbaland ayaa waxay weli caqabad ka haysataa 16-ka kursi ee yaala deegaan doorashadeeda 2aad ee Magaalada Garbahaarey, iyadoo aan weli wax xal ahi laga gaarin is mari-waaga hareeyay doorashada kuraastaasi.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com