Madaxweynaha dalka Mareykanka, Joe Biden ayaa lagu wadaa in lugta 2aad safarkiisa Qaaradda Yurub uu ku taggo dalka Poland oo deris la ah Ukraine.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa la filayaa in maalinta Jimcaha uu la kulmo dhiggiisa dalkaasi, Andrzej Duda, si uu ugala hadlo colaadda dalka Ukraine.
Bayaan ka soo baxay Aqalka Cad Mareykanka ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Biden uu bahwadaagta NATO kala hadli doono, sidii ay uga jawaabi lahaayeen xaaladda bani’aadanimo ee ka dhalatay duulaanka Ruushka ee dalkaasi.
“Waxa ay ka wada hadli doonaan, sidii ay uga jawaabi lahaayeen dhibaatooyinka bani’aadanimo iyo xuquuqul insaanka ee ka dhashay weerarka aan loo qiil deyin ee Ruushku uu ku qaaday Ukraine, oo khasaaro fara-badan uu ka soo gaaray dadka rayidka ah.” Ayaa lagu yiri bayaanka.
Biden ayaa maalinta Khamiista waxa uu dalka Belgium-ka kulan kula leeyahay Hoggaamiye-yaasha Wadamada NATO iyo Midowga Yurub, markaas oo muddo bil ahi ay ku buuxdo duulaanka uu Ruushka ku qaaday dalkaasi Ukraine.
Ciidamada Ruushka ayaa go’doomiyay magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi, iyadoona ay ka gaysanayaan duqayn joogto ah.
Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in colaadda dalkaasi ay ku barakaceen toban milyan oo qof, kuwaa oo in ka badan saddex milyan oo ka mida ay gaareen dalalka deriska.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com