Madaxweynaha Puntland oo xil u magacaabay nin Wariye ah

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Wariye Maxamed Cabdiweli Nuur (Timire) u magacaabay inuu noqdo Agaasimaha Wacyigelinta Ciidamada iyo la dagaalanka argagixisada ee Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Puntland.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Deni ayaa u qorneyd:-

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 11, ku magacaabay Agaasimaha Wacyi-gelinta Ciidamada iyo la-dagaalanka Argagixisada, ee Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay:Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Maxamed Cabdiweli Nuur (Timire) loo magacaabay Agaasimaha Wacyigelinta Ciidamada iyo la dagaalanka argagixisada, ee Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland.

2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com