Ra’iisal Wasaare Rooble oo shir la yeeshay Wakiilada Beesha Caalamka ee C6+

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta muuqaalka foggaan aragga ee Internet-ka shir kula yeeshay Wakiilada Beesha Caalamka, iyaga oo ka wada hadlay dhameystirka Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka.

“Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa habka foggaan aragga shir kula yeeshay Wakiilada Beesha Caalamka ee C6+ oo ay ka wada hadleen dhameystirka doorashooyinka Golaha Shacabka, gaar ahaan Dowlad Goboleedyada Jubbaland & Hirshabelle iyo hirgelinta jadwalka dhaarinta Xildhibaanada Labada Aqal ee BFS.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Ra’iisal Wasaaraha ayaa sidoo kale Wakiilada Beesha Caalamka kala hadlay xaaladda abaaraha ba’an ee dalka ka jira iyo sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.”

Guddiga Doorashada Jubbaland ayaa maanta soo geba-gabeeyay kuraastii taalay deegaan doorashada 1aad Jubbaland ee Magaalada Kismaayo, ka dib markii lagu doortay 2-dii kursi ee ugu dambeysay.

Tirada guud Xildhibaanada Golaha Shacabka ee illaa iyo hadda la doortay ayaa ah 246 Xildhibaan, oo 51 ka mid ah ay haween yihiin.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com