Sheekh Aadan Sunne oo xaqiijiyay inuu ku biiray Shabaab

Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Aadan Sunne) ayaa maanta xaqiijiyay inuu ku biiray Ururka Al Shabaab ee ka dagaalama dalka.

Somaliland ayaa toddobaadkii hore sheegtay in Sheekh Aadan Sunne uu ka baxsaday gebi ahaanba deegaanadeeda, isla-markaana uu u baxsaday dhanka Gobolada Koonfurta, uuna ku biiray mid ka mida ururada halkaasi ka jira.

Sheekh Aadan Sunne oo ka hadlayay sababta uu uga tegay Magaalada Hargeysa ayaa yiri “Magaalada Hargeysa waxaan uga soo baxay aniga oo reerkaygii wata, wadankii aan u dhashay ee aan ku dhashay, ku dhaqmay, ee aan ku dhistay, kana ahaa nin culimo ah oo ku howlan Dacwadda Islaamka iyo tarbiyada, dacwaddii iyo tarbiyaddii aan waday, oo ay ku timid carqalad xoogan oo kaga timid nidaamka ka jira goobta.”

Sheekh Aadan Sunne ayaa yiri “Hadda waxaan jooggaa meel ka mid ah dalkaygii Somaliya, gaar ahaana ku suntan qaybaha Wilaayaadka Islaamka ay gacanta ku hayaan.”

Waxa kaloo uu yiri “Waxaan dhex mushaaxayaa oo dhex socdaa, una kala gudbayaa wilaayaadka kow iyo tobanka ah ee gacanta ay ku hayaan Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin.”

Su’aal ahayd, ma waxaa u timid inaad Al Shabaab ku dhex noollaatid mise waxaad u timid inaad ka mid noqotid Al Shabaab oo la weydiiyay ayaa ku jawaabay “Labaduba way jiraan, marka hore inaan difaaco diintayda, cirdigayga iyo naftayda aan u biday halkani inay u nabadgelyo badan tahay, aniga iyo dadka Muslimiinta ee ila mida, isla-markaana howsha halkan ka socotaa ay tahay howl caam ah oo ummadda Islaamka ka wada dhaxeyso.”

Mar la weydiiyay inuu Gobolada Koonfurta u yimid in uu qabto Hoggaanka Al Shabaab ayaa waxa uu ku jawaabay “Arrintaasi waa mala awaal, riyooyinka la mala awaalayo ah, anigu cidna lama wadaagin erey noocaasoo kala ah, haddii dadku laabtayda waxa ka guuxaya ay mala awaalayaana, xaq uma lahan, oo laabtayda waxa ku jira Ilaahay (SWT) keligii ayaa og.”

Waxa uu intaasi ku daray “Daa’iman ma jecli anigu madaxnimo, had iyo gooraale bannaankana iskuma soo taaggo, mana jecli dabci ahaan.”

Sheekh Aadan Sunne ayaa dhowr jeer oo hore lagu xiray Magaalada Hargeysa, ka dib markii uu dhaliilay xukuumadda.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com