Dowladda Ukraine ayaa ka hortimid in ay is dhiibaan ciidamadeeda ku sugan magaalada la hareereeyay ee Mariupol, ka dib markii la gaaray muddada Ruushka uu u qabtay inay isu sii dhiibaan, si loogu furo wadooyin ay uga baxaan magaaladaasi.
Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Ukraine, Iryna Vereshchuk ayaa sheegtay inaysan ciidamadooda isu dhiibi doonin Ruushka, taasina ay horey ugu sheegeen Moscow.
“Ma jirto wax hadal ah oo la xiriira in la is dhiibo oo hubka la dhigo. Horey ayaan ugu sheegnay Ruushka inuusan jiri doonin wax is dhiibid ah.” Ayay tiri Iryna Vereshchuk.
Iryna Vereshchuk ayaa Ciidamada Ruushka ugu baaqday inay furaan wadooyinka bani’aadanimo ee magaalada dekedda leh ee Mariupol, si dadku ugu suurtagasho inay isaga baxaan magaaladaasi. Magaalada ayaa waxaa ku xaniban oo ku go’doonsan in ka badan laba boqol oo kun oo qof.
Duqa Magaalada Mariupol, Vadym Boichenko oo hadlayna waxa uu sheegay inaanu qorshahoodu qayb ka ahayn inay isu dhiibaan Ruushka.
Ciidamada Ruushka ayaa la wareegay inta badan gacan ku haynta magaalada koonfurta Ukraine dhacda ee Mariupol, ka dib markii ay dagaalka kaga itaal roonaadeen xoogaga wax iska caabinta.
Dhanka kale duqayn ay Ciidamada Ruushka ka gaysteen magaalada caasimadda ah ee Kiev ayaa waxaa ku dhintay afar qof oo rayid ah.
Vitali Klitschko, Duqa Magaalada Kiev ayaa ku dhawaaqay bandow 35 saacadood ah oo lagu soo rogayo magaaladaasi, uuna bilaabanayo 8-da fiidnimo ee caawa.
Klitschko ayaa dadka reer Kiev u sheegay inaanan maalinta berrito la furi doonin dukaamada iyo kaalmaha shidaalka, ayna tahay inay guryahooda jooggaan.
Militariga Ruushka ayaa maanta duqayntii ugu horeysay ka gaystay magaalada ku taala Xeebta Badda Madow ee Odessa. Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in maraakiibta dagaalka Ruushka ee ku sugan Badda Madow ay bartilmaameedsadeen dhismooyin ku yaala magaaladaasi. Lama soo sheegin cid wax ku noqotay duqaynta.
Odessa waxaa ku nool qiyaastii hal milyan oo qof, oo isugu jira bulsho kala qowmiyado ah. Madaxweyne Volodymyr Zelenskyy ayaana 6-dii bishan ka digay in Ciidamada Ruushka ay duqayn ka gaystaan magaaladaasi taariikhiga ah.
Hay’adda UNHCR ayaa sheegtay in colaadda dalka Ukraine ay ku barakaceen toban milyan oo qof, kuwaa saddex milyan iyo bar ka mida ay gaareen wadamada deriska la ah dalkaasi.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com