Hirshabelle oo war ka soo saartay dib u dhaca doorashada #HOP063 & #HOP011

Guddiga Doorashada Hirshabelle ayaa war ka soo saaray dib u dhaca ku yimid doorashada 2 kursi, oo caawa lagu waday in lagu doorto Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Kuraastan oo tirsigoodu uu yahay #HOP063 iyo #HOP011 ayuu qorshuhu ahaa in caawa ay doorashadooda ka qabsoomto magaaladaasi.

#HOP063 oo hadda uu ku fadhiyo Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ka mid ahaa kuraasta dib u dhaca ku keenay in si dhakhsi ah loo soo geba-gabeeyo doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee yaalla Beledweyne, waxaana la filayaa in si weyn loogu tartami doono, iyadoona loo diiwaangeliyay illaa sagaal musharax.

Warka Guddiga Doorashada ayaa lagu yiri “Gudiga Doorashada Hirshabelle waxaa uu ogaysiinayaa bulshada Soomaaliyeed iyo murashaxiinta u taagan kuraasta kala ah HOP#063 & HOP#011 in doorashadii maanta baaqatay duruufo jiro awgeed. Sidaa daraadeed doorashada kuraastaas waxaa dib loogu dhigay maalinta Berri ah tr: 23/03/2022 saaacada 06:00 subaxnimo.

Dhammaan Ergada iyo murashaxiinta waxaa la farayaa in ay diyaar ku noqdaan goobta doorashada, saacaddu marka ay tahay 06:00 waqtigana ilaaliyaan.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com