Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee Sheekh Shariif Sheekh Muxudiin Celi, oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha oo tilmaamay in Sheekh Shariif Sheekh Muxyadiin uu ahaa caalim diineed iyo aqoonyahan sare oo ka mid ahaa macalimiintii Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa xusay doorkii wanaagsanaa ee uu ka soo qaatay arrimaha dacwadda Islaamka, waxbaridda ubadka, faafinta diinta, baraarujinta iyo wacyigelinta shacabka Soomaaliyeed.
“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan u tacsiyeynayaa qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Sheekh Shariif Sheekh Muxyadiin Celi. Marxuumku waxa uu ka mid ahaa tiirarka Culimada Soomaaliyeed ee wakhtigooda iyo noloshoodaba u hibeeyey faafinta diinta, baraarujinta iyo wacyigelinta shacabka Soomaaliyeed.”
Madaxweyne Maxamed Farmaajo ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan qoyska, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com