Wasiir Jaamac oo ka qaybgalay Bandhigga Difaaca Badaha Caalamiga ee DIMDEX (SAWIRRO)

Wasiirka Difaaca Somaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa weli booqasho ku joogga Magaalada Doha ee Xarunta Wadanka Qatar.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa maanta ka qaybgalay Bandhigga Difaaca Badaha Caalamiga ee Doha (Dimdex 2022), oo maalintii 2aad ka socdo dalkaasi.

Bandhigan waxaa sanadkan martigeliyay oo soo qaban-qaabiyay Militariga Qatar, waxaana hal-kudhig looga dhigay “Isku-xirka Difaaca & Amniga Badaha Caalamiga”, waxa uuna socon doonnaa 21-23 bishan.

DIMDEX waa madal lagu soo bandhiggo waxyaabaha ay soo saaraan warshadaha wadamada horumaray ee dhanka Difaaca Badaha & Amniga.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com