Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya oo la kulmay dhiggiisa Shiinaha

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, Cabdisaciid Muuse Cali oo Magaalada Islamabad kaga qaybgelaya meertada 48-aad ee Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Wadamada Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha, Wang Yi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya ayaa dhiggiisa Shiinaha kaga tacsiyeeyay dadkii maalin ka hor ku dhintay shilka diyaaradeed ee ka dhacay Gobolka Koonfurta Shiinaha dhaca ee Guangxi.

Diyaaradan oo nooceedu ahaa Boeing 737 ayaa shilka ay gashay waxaa ku dhintay dhammaanba rakaabka saarnaa, oo tiradooda lagu sheegay 132 qof.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya ayaa lagu yiri “Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xiriirka taariikhiga ee u gaarka ah Somaliya iyo Shiinaha, waxayna ku heshiiyeen in la xoojiyo iskaashiga arrimaha gobolka, amniga, ganacsiga, dhaqaalaha, beeraha iyo kalluumeysiga. Mudane Cabdisaciid Muuse Cali waxa uu sidoo kale uga mahadceliyey Wang Yi taageerada joogtada ah ee Shiinaha, si loo yareeyo naxdinta abaarta daba dheeraatay.”

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay “Labada Wasiir waxay dib u xaqiijiyeen in xiriirka taariikhiga ah uu ku qotomo ixtiraamka labada dal, madaxbannaanida dhuleed, madaxbannaanida siyaasadeed iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya iyo Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, waxayna ku heshiiyeen inay si dhow isaga kaashadaan xoojinta isku-duwidda ilaalinta xeerarka iyo mabaadi’da caalamiga ah.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com