Cabdirisaaq Cabdullaahi Macalin oo ku guuleystay doorasho si xor ah loogu tartamay

Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ku guuldareystay in dib loogu soo doorto kursigii uu ku fadhiyay oo tirsigiisu ahaa #HOP063, ka dib doorasho si hufan loogu tartamay oo maanta ka dhacday Magaalada Beledweyne.

Cabdullaahi Goodax Barre ayaa waxaa kursigaasi kula tartamayay illaa sideed musharax oo kale, oo midi ay ahayd gabar lagu magacaabo Nadar Tabaax Maalin ahna Duqa Magaalada Beledweyne.

Doorashada oo saddex wareeg ahayd ayaa waxaa wareegii 2aad u soo gudbay labadii musharax ee ugu codka badnaa, oo lagu magacaabo Daahir Xaaji Aadan oo helay 32 cod iyo Cabdirisaaq Cabdullaahi Macalin Ciid oo helay 20 cod.

Musharaxiinta kale ee wareegga koobaad ku haray ayaa kala ah Cabdullaahi Goodax Barre 10 cod, Maxamed Iidle Sabriye 10 cod, Nadar Tabaax Maalin 9 cod, Xiirey Axmed Rooble 8 cod, Ibraahim Xabeeb Nuur 5 cod, Cabdi Afrax Guure 2 cod iyo Yoonis Khaliif Xasan oo helay 1 cod.

Wareeggii 2aad ee doorashada oo qaab qarsoodi ah loogu coddeeyay labada musharax ayaa waxay heleen min 50 cod, halka 1 cod uu xumaaday, sida uu ku dhawaaqay Guddiga Doorashada Hirshabelle.

Guddiga Doorashada Hirshabelle ayaa sheegay in lagu noqonayo wareeg kale oo doorasho, si labada musharax ay ugu kala baxaan.

Guddiga ayaa sheegay in Cabdirisaaq Cabdullaahi Macalin Ciid uu wareeggii 3aad helay 56 cod, iyadoo musharax Daahir Xaaji Aadan uu helay 44 cod, hal 1 cod uu xumaaday.

Kursigan ayaa noqonaya kursiga keliya ee illaa sagaal musharax ku tartamaan, laguna kala calaf-qaado, guud ahaan doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, waana kursigii 2aad ee si xor iyo xalaal ah loogu tartamo, intii doorasho ay qabanayeen Guddiga Doorashada Hirshabelle.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com