Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in muddooyinkii dambe ay soo gaarayeen digniino joogto ah, oo ku aaddan amnigooda shakhsiga ah iyo kan Magaalada Muqdisho, weerarka maanta lagu qaadayna Xerada Xalane uu bilow u yahay weeraro la qorsheynayay.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal ku sheegay inaanay Shabaabku xoog ku soo gelin xerada, ayna iska cadahay in lagala shaqeeyay weerarkaasi, isla-markaana uu weerarkan jawaab u yahay farriinta lagu doonayo in Doorashada Guddoonka Baarlamaanka lagu qabto Xerada Ciidanka Cirka ee Afisyooni.
Qoraalkiisa ayaa u qornaa “Maalmahaan oo idil waxaa ina soo gaarayay digniino isa soo tarayay oo ku aaddan amnigeenna shakhsiga ah iyo in la qorsheynayo weeraro lagu qalqalgelinayo amniga, laguna abuurayo cabsi gelin. Weerarka maanta ka dhacay Xerada Xalane waa billowgii hawlgaladaas.
Al Shabaab xoog kuma soo gelin gudaha, wayna cadahay in lala shaqeeyay, loona fududeeyay hawlgalka. Waxaa kaloo iyana muuqata in weerarkii maanta uu jawaab u ahaa farriintii ahayd in Doorashada Guddoonka Baarlamaanka lagu qabto teendhada Afisyooni.
Dalku wuxuu ku jira xilli xasaasi ah oo kala guur ah, welina hay’adihii amnigana waxay gacanta ugu jiraan koox aan sariig lahayn oo waddo kasta u maraya xaqiijinta dantooda shakhsiga ah.
Intaan ka badan Ra’iisal Wasaare Rooble indhaha kama laaban kartid masuuliyadda kaa saaraan dalka, gaar ahaan amniga iyo howlaha xil wereejinta xilliga kala guurka ah.
Waa in Xukuumaddu qaaddo tallaabooyin muuqda oo dib u habayn lagu sameeyo hoggaanka hay’adda amniga, xilkoodana loo dhiibo shakhsiyaad lagu aamino karo amniga dalka, farahana kula jirin siyaasadda iyo doorashooyinka. Haddii aysan taasi degdeg u dhicin, waxaa ka dhalanaya in shacabku idinka iyo dowladnimada oo idilba uu ka aamin baxo.”
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com