Laba ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Hirshabelle ayaa maanta lagu wadaa in lagu doorto Magaalada Beledweyne.
Tirsiga kuraasta maanta lagu dooran doono Magaalada Beledweyne ayaa kala ah #HOP063 iyo #HOP011, oo Talaadadii ay ahayd in la doorto, balse uu dib u dhac ku yimid.
#HOP063 oo hadda uu ku fadhiyo Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa la filayaa inuu noqon doono kursi si aad ahi loogu tartamo.
Guddiga Doorashada Hirshabelle ayaa illaa sagaal musharax u diiwaangeliyay xubnaha doonaya inay u tartamaan kursigaasi, waana tiradii ugu badneyd ee kursi qura loo diiwaangeliyo.
Beledweyne oo ay yaallaan 25 kursi ayaa waxaa horey loogu doortay 16 kursi, kuraasta maanta la dooranaya ayaana ka dhigi doono 18 kursi.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com