Qorshaha booliska ee ka hortagga weerarada Shabaab, bisha Ramadan

Booliska Soomaaliyeed ayaa wada dadaalo ay doonayan inay kaga hortaggan weerarada maleeshiyada Al Shabaab ee bisha barakeysan ee Ramadan.

Al Shabaab ayaa bisha Ramadan kordhiya weerarada ay ka gaysanayan dalka, si ka duwan billaha kale ee sanadka.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay inay ku howlan yihiin, sidii dadka Soomaaliyeed ay bisha Ramadan ugu soomi lahaayeen si nabada.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in qorshahooda sugidda amniga ee dalka uu isugu jiro saddex weji, oo ay ugu talagaleen in dadku ay si nabdoon ku soomaan bishaasi Soon-qaad.

“Saddex weji ayuu noqon doonnaa qorshayna amniga ee bisha Ramadan. Wejiga 1aad waa istiraatiijiyadda sugidda amniga, wejiga 2aad oo ah in la helo ummadda Soomaaliyeed ammaan ay ku soonto, in waqtigooda uusan baaqanin, jidka ku xirmin, lagana ilaaliyo ciriiriga wadooyinka iyo wejiga 3aad oo ah in dhallinyarada Soomaaliyeed ee balwadda daashatay ayagana in wacyigelin loo sameeyo, si dhallinyarada Soomaaliyeed ay u soo hanuunto.” Ayuu yiri Afhayeenka oo BBC la hadlay.

“Ummadda Soomaaliyeed sida ay Soonka ugu diyaargaroobeyso, anagana waxaan ugu diyaargaroobaynaa in ummadaasi sooman loo furo wadooyinka, loona dhaweeyo, wadooyinkoodana la raaco, ayna helaan ummad u adeegta, maadaama ay cibaado-san ku jiraan.” Ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeenka ayaa yiri “Nimankan naga soo horjeeda waxay ka soo horjeedaan jiritaanka ummadda Soomaaliyeed, waxay ka soo horjeedaan dowladnimada ummadda Soomaaliyeed.”

Waxa kaloo uu yiri “Shakhsi kasta ee ka soo gudba marxaladda shacab, ee u soo gudba marxaladda inuu adeege u noqdo qaranka wuu dhibayaa, ayagana way dhibsanayaan. Dadkaas waxaa lagu haystaa sababta aad qaranka ugu adeegeysid, waxaana nimankan bartilmaameed u ah shakhsi kasta oo qaranka u adeego.”

Cabdifitaax Aadan Xasan, Afhayeenka Ciidanka Booliska ayaa maleeshiyada Al Shabaab ugu yeeray inay ka waan-toobaan falalka ay ku howlan yihiin.

“Waxaan digniin u jeedinaynaa kuwa ku jira Shabaab, si kasta oo Ramadanka ugu diyaargarowdid Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliska Soomaaliyeedba waxay u diyaargaroobeen inay bulshadayada si nabada ku soonto, kuna soo kacdo, adiga iyo wax lamid ahna ma dhibaateen karaan, mana dhibaateen doonaan Insha’Allah.” Ayuu yiri Cabdifitaax Aadan.

Ramadanka sanadkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dalka uu ku jiro xilli doorasho, Ergada iyo Xildhibaanada Baarlamaanka cusub-na ay bartilmaameed u noqon karaan kooxaha dalka ka dagaalama.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com