Rooble oo hay’adaha ammaanka faray inay baaraan dilka Xildhibaan Amina Maxamed

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeyay dilka caawa Xildhibaan Amina Maxamed Cabdi loogu gaystay Magaalada Beledweyne.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa qoraal uu daabacay bartiisa Facebook waxa uu hay’adaha ammaanka kaga dalbaday inay baaritaan dhameystiran ku sameeyaan, sida uu u dhacay falka argagixiso ee Xildhibaanadda lagu dilay.

Qoraalka Rooble ayaa u qornaa:-

Waxaan ereyada ugu adag ku cambaaraynayaa falkii argagixiso ee caawa lala beegsaday Allaha u naxariistee Xildhibaan Amina Maxamed Cabdi oo lagu dilay Beledweyne.

Waxaan murugada la qaybsanayaa, ugana tacsiyeynayaa qoyskeedii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, geerida Xildhibaan Amina.

Waxaan farayaa hay’adaha amniga ee ku shaqada leh in ay baaritaan waafi ah ku sameeyaan, sidii uu u dhacay falkan waxshinimo ee lagu dilay Xildhibaanadda.

Xildhibaan Amina oo tusaale u ahayd metelaadda shacabka iyo baadi doonka caddaaladda, waxay dadkeeda iyo dalkeeda ugu soo shaqeysay sida ugu wanaagsan ee karaankeeda ah.

Waxaan Eebbe uga baryayaa in uu jannadii Firdows ugu deeqo, ehelkeeda iyo ummadda Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com