Shabaab oo weerar ku galay Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho

Maleeshiyada Ururka Al Shabaab ayaa goor dhow weeraray xerada aadka loo ilaaliyo Xalane ee Magaalada Muqdisho, halkaasoo uu ku yaalo saldhigga ugu weyn Ciidamada AMISOM ee dalka ka hawlgala, sidoo kalena ay ku yaallaan Safaaradaha dalalka shisheeye.

Maleeshiyada Al Shabaab oo lugeynaya ayaa la sheegay inay xeradaasi ka weerareen dhanka dambe ee Marine Gate.

Xerada Xalane ayaa dacalka ku haysa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, Saxafiyiinta ayaana soo sheegaya in rasaas xoogan laga maqlayo aagga Xerada Xalane, Xoogaga AMISOM-ka ay u muuqdaan kuwo iska caabinaya weerarkaasi.

Ururka Al Shabaab ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay in dagaal-yahanadooda ay toogasho ka wadaan gudaha Xerada Xalane.

Muuqaalo laga soo qaaday nawaaxiga goobtaasi ayaa muujinaya uuro xoog leh oo ka imaanaysa dhanka xeradaasi. Shabaabku waxay sheegteen in dagaal-yahanadooda ay dab qabad siiyeen dhul baaxad leh oo gudaha xerada ah.

Dhanka kale Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ciidamadu ka hortaggeen laba nin oo ka tirsan Shabaabka, kuwaa oo doonayay inay gudaha u galaan Xerada Xalane.

Ma cadda sida Shabaabku ku gaareen xeradaasi, bacdamaa ay ka soo horeeyaan barro kontoroolo oo amniga lagu hubiyo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com