Ciidan gurmad ahaa oo uu hoggaaminayay Taliyaha Booliska Sida Gaarka ah u tababaran ee Haramcad, Cabdixamiid Cabdullaahi Maxamed (Fanax) ayaa soo afjaray weerarka maleeshiyada Al Shabaab ku qaadeen Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho.
Shabaabka ayaa xeradaasi ka weeraray dhanka dambe ee Marine Gate, iyadoona ay u suurtagashay in muddo saacad ka badan ay ka dhex dagaalamaan xeradaasi.
Wararka ayaa sheegaya in Shabaabku ay ku labisnaayeen dareyska Ciidamada Dowladda, ayna is rasaaseyn ka dib ka gudbeen albaabka laga galo Marine Gate.
Bogga Taliska Haramcad ayaa lagu soo bandhigay sawirro muujinaya xoogagooda oo gudaha u sii gelaya goobihii ay ka dagaalamayeen Shabaabka.
Intii weerarku uu socday ayaa waxa uu dab qabsaday haan shidaal oo ku taala dhinaca Xerada Afisyooni. Ma cadda waxa dabkani dhaliyay, balse Shabaabka ayaa sheegay in dagaal-yahanadooda ay dab qabad siiyeen goobo ku dhex yaala Xerada Xalane.
Saraakiisha Ciidamada iyo Shaqaalaha Rayidka ee Garoonka Aadan Cadde ayaa xaqiijiyay in muddo kooban uu hakad galay howlihii shaqo ee garoonkaasi.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in weerarka uu ku dhintay askari ka tirsan Booliska Haramcad, halka dhowr kalena ay ku dhaawacmeen. Wararka ayaa intaasi ku daraya inay jiraan Saraakiil ajaaniib ah oo weerarka ku dhintay, balse aan macluumaad faah faahsan laga hayn tirada ajaaniibta ku dhimatay weerarkaasi.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in waxa weerarka soo qaaday ay yihiin laba ka mida maleeshiyada Al Shabaab, ciidamadana ay u suurtagashay inay ka hortaggaan.
Su’aalo ayaa ku gadaaman sida Shabaabku ku gaareen aagga Marine Gate, oo inta aan la gaarin ay laamaha ammaanka ku leeyihiin barro amniga lagu hubiyo.
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ciidamada amniga ku eedeeyay inay Shabaabka u fududeeyeen weerarkaasi.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com