Xildhibaan Amina Maxamed Cabdi oo caawa lagu dilay Beledweyne

Alle ha u naxariistee Xildhibaan Amina Maxamed Cabdi oo ka tirsaneyd Baarlamaanka muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa caawa lagu dilay qarax ka dhacay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Qaraxa ayaa ka dhacay gudaha Xerada Guutada 5aad, Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ee Lama Galaay, halkaasoo ay ka socoto Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Nin xirnaa jaakadda ka sameysan walxaha qarxa ayaa Xildhibaanadda ku weeraray afaafka hore ee Xarunta Madaxtooyada Hirshabelle.

Daqiiqado ka dib qarax kale ayaa ka dhacay bar fariisin u ahayd ciidamada amniga.

Dhanka kale xaaladda magaalada ayaa ah mid aad u kacsan, iyadoona laga maqlayo rasaas.

Xildhibaan Amina Maxamed Cabdi ayaa haatan Magaalada Beledwyene ka waday olole ay ku dooneysay in dib loogu soo doorto kursigii ay ku fadhisay oo tirsigiisu ahaa #HOP135.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com