Doorasho ka duwan doorashooyinkii hore oo lagu qabtay Beledweyne (SAWIRRO)

Kursigii xalay doorashadiisa dib loo dhigay ayaa galabta lagu doortay Magaalada Beledweyne, waxaana dib loogu soo doortay Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo horey ugu fadhiyay kursigaasi.

Kursigan oo tirsigiisu ahaa #HOP011 ayaa waxaa Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed kula tartamayay musharax kale oo lagu magacaabo Maxamed Cumar Barrow.

Guddiga Doorashada Hirshabelle ayaa ku dhawaaqay in Cabdirisaaq Cumar Maxamed uu helay 55 cod, halka Maxamed Cumar Barrow uu helay 46 cod.

Doorashadan ayaan lagu qaban hoolkii lagu qabanayay Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee ka socoto Magaalada Beledweyne, iyadoona taasi bedelkeeda lagu qabtay barxadda Xerada Ciidamada Militariga ee Lama Galaay.

Musharaxiinta, Ergada iyo Guddiga Doorashada ayaa madaxa ku soo xirtay maro gaduudan (cas), si ay ugu baroordiiqaan dadkii xalay lagu laayay magaaladaasi.

Qaab ahaan doorashadan ayaa ka duwaneyd doorashooyinka kuraasta kale ee lagu doortay magaaladaasi iyo guud ahaanba dalka.

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa gelinkii dambe ee maanta sheegay in 48 qof ay ku dhimatay qaraxyadii xalay, halka 108 kalena ay ku dhaawacantay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com