Macluumaad la xiriira: Ninkii isku qarxiyay Xildhibaan Amina Maxamed Cabdi

Macluumaad badan kama hayno heybta iyo halka uu ka yimid dhagarqabahaasi, balse waxaanu helaynaa xoggo ku aaddan qaabka uu ku soo galay Xerada Lama Galaay, halkaasoo fiidnimadii xalay uu iskula qarxiyay xubno ay ka mid ahayd Alle ha u naxariistee Xildhibaan Amina Maxamed Cabdi, oo ka tirsaneyd Baarlamaanka uu muddo xileedkiisu dhammaaday.

Xeradan waxaa billihii January iyo February la dejiyay ciidamadii faraha badnaa, ee ay Dowladda Federaalka ku daabushay Magaalada Beledweyne, waxaana amnigeeda muddooyinkanba qaabilsanaa Booliska Sida Gaarka ah u tababaran ee Haramcad.

Sarkaal ka tirsan Saraakiisha Taliska Qaybta 27aad ee ku sugan Magaalada Beledweyne ayaa Dhacdo.com u sheegay in ninkan uu xirnaa tuutaha Booliska Haramcad, xeradana lagu keenay gaari ay leeyihiin.

“Warka aan hayno wuxuu yahay ninkan inuu xirnaa dareyska Ciidamada Haramcad, bastooladna uu watay, in meeshana lagu keenay gaari Cabdi Bille ah oo ciidamadaasi leeyihiin. Dabcan waa nin la socday, wax badana ka ogaa dhaqdhaqaaqa Xildhibaanadda. Xildhibaanadda waxay dhex deganeyd xerada, gurigeeda ayay ka soo baxday, iyada iyo dad kale oo ku sii socday dhanka Xarunta Madaxtooyada ayuuna isku qarxiyay.” Ayuu yiri Sarkaalkan oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan.

Waxa kaloo uu yiri “Wixii doono hala sheego ama Shabaab ha sheegto qaraxan, haba yaraatee meel ay soo geli karaan maba ahan. Maxaa yeelay haddii amnigeeda uusan sugnayn Fahad Yaasiin ood ogtihiin laguma doorteen.”

Sarkaalkan ayaa sidoo kale inoo sheegay in Saraakiisha Haramcad isku dayayaan inay iska barri-yeelaan eedeymaha soo baxaya ee ka dhanka ah, ka dib markii wax laga weydiiyay.

Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) oo VOA la hadlay ayaa qaraxan ku tilmaamay mid siyaasadeysan.

“Qaraxa wuxuu ahaa mid Amina lala beegsaday oo qof is qarxiyay uu gaystay, iyadoo Madaxtooyada xageeda u soo socoto, kamana fogayn meesha Madaxtooyada ka degan tahay.” Ayuu yiri Sanbaloolshe oo intaasi ku daray “Qarax siyaasadeysan ayuu ahaa.”

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Hiiraan, Korneyl Isaaq Cali Cabdulle ayaa BBC u sheegay in qaraxaasi uu ku dhacay dayac ka yimid ciidamada qaabilsan amniga barraha laga ilaaliyo xeradaasi amaba Xarunta Madaxtooyada Hirshabelle.

“Afaafka hore ee Madaxtooyada ama Xaruntii Gobolka ayay ahayd meesha uu qaraxa ka dhacay, waana run meel aad loo ilaaliyo weeye, laakiin dadka waxaa laga yaabaa in meelaha baaritaanada ee Check Pointiyada ah mararka qaarkood ay si sahlan uga soo gudbaan. Waa dayacaad xagga amniga oo dhacday weeye, arrimahaasi sida ay u dhaceyna, baaritaanaa ku wadnaa.” Ayuu yiri Taliyaha.

Daa’uud Xaaji Ciiro, Afhayeenka Maamulka Hirshabelle oo la hadlay Universaltv ayaa sheegay in ciidamada ay kula xisaabtami doonaan, sida ay wax u dhaceen.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sidoo kale Universaltv u sheegay in muddooyinkan dambe ay Xildhibaan Amina Maxamed Cabdi la kulmeysay handadaad uga imaaneysa dhinaca hoggaanka dalka.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in dilka Xildhibaan Amina Maxamed uu dareen xoog leh ku dhaliyay Xafiiska Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Rooble ayaa laamaha amniga ugu baaqay inay baaritaan dhameystiran ku sameeyaan, sida uu u dhacay falka argagixiso ee Xildhibaanadda lagu dilay, dadkuse waxay fahamsan yihiin inaysan waxba ka soo naaso caddeyn baaritaankaasi.

Dadka fallanqeeya siyaasadda dalka iyo Warbaahintuba waxay si dhow u xiriirinayaan maqnaanshaha ama dilka Ikraan Tahliil Faarax iyo weerarkan ugu dambeeyay ee xalay lagu qaarajiyay Xildhibaanadda, bacdamaa ay baadi-goob ugu jirtay, sidii gabadhaasi iyo qoyskeeduba ay cadaalad u heli lahaayeen.

Si kastaba ha-ahaatee dhagarta laga maleygay afaafka hore ee Madaxtooyada Hirshabelle ayaa xoojinaysa tuhunkii iyo shakigii ay shacabku ka qabeen in Shabaabku ay sanadahan dambe ku dhex milmeen Hay’adaha Dowladda Federaalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com