Madaxweyne Guudlaawe oo sheegay in 48 qof ku dhimatay qaraxyadii Beledweyne

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa gelinkii dambe ee maanta shir jaraa’id kaga hadlay khasaaraha ay gaysteen labadii qarax ee xalay gilgilay Magaalada Beledweyne.

Madaxweynaha ayaa marka hore ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay iyo kuwii kale ee ku dhaawacmay qaraxyada ismiidaaminta ee ka dhacay magaaladaasi.

“Waxaa dhacday masiibo, xalay fiidkii ayaa Magaalada Beledweyne waxaa nagu qabsatay masiibo xaqiiqdii inteeda le’eg, waxaa ku baxay dad bulshada indhaheedii iyo caqligeedii ah, oo isugu jira siyaasiyiin, culima’udiin, ganacsato iyo dadka, dadka dhaqi jiray.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaan leenahay intii dhimatay Ilaahay ha u naxariisto, intii dhaawacantayna ha caafiyo, naf iyo maal badan ayaa lagu waayay. Laba qarax oo kala duwan ayaa ka dhacay magaalada.”

Madaxweynaha ayaa xusay in tan iyo xalay ay ku mashquulsanaayeen, sidii ay u ogaan lahaayeen tirada dadka ku waxyeeloobay qaraxyadaasi.

“Xalay illaa haddeer waxaan uruurineynay xogta dadka dhintay iyo dadka dhaawacmay in la ogaado ayaa intaas lagu mashquulsanaa. Dad badanaa jiro oo guryo ay ku dumeen, masiibo runtii inteeda le’eg ayaa dhacday.” Ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabelle.

Isagoo hadalkiisa sii wato ayuu yiri “Illaa 48 qof ayaa naloo sheegay inay ku naf waayeen, dadka dhaawacmana illaa 108 inay gaarayaan ayaa naloo sheegay oo dhaawac kala duwan ah.”

Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray “Dadka dhaawaca ee liitana, haddii Ilaahay raali ka noqdo meel kasta oo wax looga qaban karo ayaan u qaadi doonnaa.”

Madaxweyne Guudlaawe ayaa shacabka kula dardaarmay “Bulshada waxaan leenahay maalmaha doorashooyinka, nimankan argagixisada ee nabadiidka ah waxay ku dadaalayaan nambar kasta oo meel isugu yimaada oo ummaddaan indhaheeda ama caqligeeda ah inay waxyeeleeyaan ee aad haloo feejignaado.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ciidamada faray “Ciidamada Qalabka Sida, qaybahooda kala duwan waxaan leenahay hala laba jibaaro dadaalkii, hana la feejignaado, aad iyo aadna haloo dadaalaa leenahay. Amniga hala adkeeyo.”

Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), Madaxweynaha Hirshabelle ayaa tilmaamay inaanay qaraxyadani niyad jebin doonin, ayna sii wadi doonaan howlihii ay bulshada u hayeen.

“Haddii Ilaahay raali ka noqdo, ma niyad jebi doono, bulshada adeeggii loo haayay, haddee doorasho tahay iyo haddee horumar tahay, intaba waa laga shaqaynayaa. Alle ayaan talo saaranaynaa, waana dadaalaynaa, bulshadana waxaan leenahay hala feejignaado.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa ugu dambayn yiri “Maamulka Gobolka iyo Masuuliyiinta Ciidamada Qalabka Sida waxaan faraynaa in amniga wax badan laga bedelo, la sii laba jibaaro, dadaalkii la dadaalaayayna in la sii laba jibaaro.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com