Meydka Xildhibaan Amina Maxamed oo la keenay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

Alle ha u naxariistee meydka Xildhibaan Amina Maxamed Cabdi ayaa maanta la keenay Magaalada Muqdisho, iyadoona Salaadda Janaasada lagula tukaday Garoonka Aadan Cadde.

Xildhibaanadda oo ka tirsaneyd Baarlamaanka muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa xalay lagu dilay weerar ismiidaamin ahaa oo lagula beegsaday Magaalada Beledweyne.

Salaadda Janaasada ayaa waxaa ka qaybgalay Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble, Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Madaxweyne-yaashii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno kale oo masuuliyiin dowladeed u badan.

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Goodir ayaa sheegay in marxuumadda maalinta Jimcaha ah lagu aasi Isbitaalka Xoogga ee Magaalada Muqdisho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com