Qaraxyadii Beledweyne oo waxyeelo ba’an gaystay (SAWIRRO)

Magaalada Beledweyne waxaa xalay ka dhacay laba qarax oo ismiidaamin ahaa, oo mid ka mida loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, iyadoo qaraxa hore oo uu gaystay nin xirnaa jaakadda ka sameysan walxaha qarxa uu isku qarxiyay xubno ay ka mid ahayd Xildhibaan Amina Maxamed Cabdi oo ku geeriyootay qaraxaasi.

Qaraxii xigay oo loo adeegsaday gaari NOAH ahaa ayaa ka dhacay afaafka hore Isbitaalka Guud ee Beledweyne, xilli loo soo waday dadkii ku waxyeeloobay qaraxii koobaad.

Marka laga soo taggo in qaraxan uu gaystay khasaaraha ugu badan ee nafeed ayaa waxaa haddana jira burbur xoog leh, oo uu u gaystay goobo ganacsi iyo dhismaha isbitaalkaba.

Dr. Qorane Maxamuud Indhooy, Madaxa Caafimaadka ee Magaalada Beledweyne ayaa sheegay in gebi ahaanba uu istaagay adeeggii caafimaadeed ee isbitaalkaasi uu u fidinayay dadweynaha.

“Gaarigii qarxay wuxuu haleelay qaybta Emergency-ga, ka dibna xaaladdii faraha ayay ka baxday, guud ahaanba isbitaalkii wuu burburay.” Ayuu yiri Dr. Qorane Maxamuud.

Waxa kaloo uu yiri “Isbitaalkii hadda wax shaqo ah kama socdaan, guud ahaanba qaybihii qaliinka, xaaladda degdegga iyo dhammaanba qaybaha kale ee isbitaalka.”

Isbitaalkan oo ahaa midkii ugu weynaa magaalada ayaa waxaa adeeg caafimaad u soo doonan jiray dhammaanba Degmooyinka Gobolka Hiiraan.

Qiyaastii 40 qof ayaa ku dhimatay qaraxyadii xalay ka dhacay Beledweyne, halka dhaawacuna uu si caga-cageynayo illaa 100 qof.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com