Rooble oo Taliska AMISOM kala hadlay gumaadkii Beledweyne (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa xafiiskiisa ku qaabilay Saraakiil uu horkacayay Wakiilka Midowga Afrika ee dalka ahna Madaxa Hawlgalka Nabad Ilaalinta AMISOM, Francisco Madeira.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa Taliska AMISOM kala hadlay qaraxyadii dad faraha badan ku dhinteen ee fiidnimadii xalay ka dhacay Magaalada Beledweyne.

Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Hoggaanka AMISOM uu kala hadlay kaalinta AMISOM ee amniga doorashooyinka iyo guud ahaanba dalka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in falalkii argagixiso ee ka dhacay magaaladaasi ay ahaayeen kuwo lagu carqaladeynayo doorashooyinka dalka.

“Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika ee Somaliya, Danjire Francisco Madeira ayaa kala hadlay kaalinta AMISOM ee amniga doorashooyinka iyo guud ahaan dalka, ka dib falalkii argagixiso ee shalay oo ah kuwo lagu carqaladeynayo doorashada dalka.” Ayaa lagu sheegay qoraalka.

Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), Madaxweynaha Hirshabelle ayaa sheegay in 48 qof ay ku dhimatay qaraxyadaasi, halka 108 kalena ay ku dhaawacantay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com