Farmaajo oo kulan isugu yeeray Taliye-yaasha Ciidamada (SAWIRRO)

Madaxweynaha Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gelinkii dambe ee maanta kulan la yeeshay Taliye-yaasha Ciidamada Xoogga Dalka, Booliska, Asluubta, Nabad Sugidda iyo Guddoonka Gobolka Banaadir, isagoona faray adkeynta amniga guud ee dalka iyo kan Caasimadda Muqdisho.

“Madaxweynaha ayaa ka dhageystay Talisyada Booliska iyo Nabad Sugidda Soomaaliyeed warbixinno ku saabsan baaritaannada hordhaca ah ee falalkii argagixisanimo ee toddobaadkii tagay ka dhacay Magaalooyinka Muqdisho iyo Baladweyne, isaga oo soo bandhigay muhiimadda ay leedahay in ciidamadu ay kordhiyaan hawlgalladooda iyo feejignaantooda, maadaama dalku uu ku jiro xilli doorasho, ayna nagu soo wajahan tahay bishii barakaysnayd ee Ramadan oo sanadihii la soo dhaafay ay ku guuleysatay dowladdu ka hortagga iyo yareynta dhagartii argagixisadu ay soo maleygi jireen bishan.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha.

Warka ayaa lagu sheegay “Waxaan dagaal kula jirnaa cadow arxanlaawe ah oo khatar ku ah amnigeenna iyo jiritaankeenna. Argagixisada Al Shabaab ee aan la dirirayno waxa ay ka shaqeynayaan gumaadka iyo xasuuqa shacabka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay ka heli karaan fursaddaas, sidaas awgeed waa in aan markasta heegan buuxa ku jirnaa, si dhowna ula shaqaysaan shacabkeenna idinla garab taagan hiilka iyo xogta dhagarqabeyaasha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray Taliye-yaasha Ciidamada Qalabka Sida in loo dhimriyo shacabka Soomaaliyeed, xilliyada ay ciidamadu sameynayaan hawlgalada lagu sugayo amniga, sidoo kalena la xoojiyo wadashaqeynta iyo is-dhexgalka hay’adaha ammaanka iyo bulshada, si kor loogu qaado wadashaqeynta iyo kalsoonida shacabku ku qabo ciidamadooda geesiyaasha ah.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com