Xubnaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee ku sugan Puntland ayaa maanta lagu wareejiyay xogta Xildhibaanadii dhawaan lagu doortay Puntland.
Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Puntland, Cabdikariin Muuse Maxamed ayaa galalka doorashadii ka dhacday Magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso ku wareejiyay Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka.
Guddiga Doorashooyinka ayaa soo dhaweeyay tallaabada ay qaadeen Guddiga Doorashada Puntland, iyadoo Guddiyada Dowlad Goboleedyada kalena loogu baaqay inay soo gudbiyaan xogta Xildhibaanadii la doortay.
“Waxaan uga mahadcelinaynaa Guddiga SEIT Puntland, sida hufnaanta leh ee ay ula shaqeeyeen GHDH, sidoo kalena waxaan ku boorinaynaa Guddiyada kale ee aan weli soo gudbinnin inay soo wareejiyaan dhammaan xogta doorashada iyo Xildhibaanada la soo doortay, si Guddiga FEIT uu fuliyo jadwalka dhameystirka doorashada, ee uu dhawaan shaaciyay.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com