Laba qof oo midi ay haweeney tahay oo lagu dilay Muqdisho

Labadan qof oo midi ay haweeney ahayd ayaa maanta siyaabooyin kala duwan loogu dilay Magaalada Muqdisho.

Dilka hore ayaa ka dhacay Suuqa Bakaaraha, ka dib markii rag bastoolado ku hubeysnaa ay nin dhallinyaro ahaa ku dileen qaybta Cabdalla Shideeye ee suuqaasi.

Marxuumka ayaa horey uga tirsanaa Ciidamada Dowladda, ee ay tababareen Emirate-ka Carabta, balse muddooyinkii ugu dambeysay uu askarta isaga baxay, isagoona bilaabay in uu ku ganacsado Suuqa Bakaaraha.

Dilka labaad ayaa ka dhacay Isgoyska Maanabooliyo ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho. Rasaas ay furayn Ciidamada Hay’adda Nabad Sugidda ayaa haleeshay haweeney goob ganacsi ku haysatay isgoyskaasi.

Ciidamada ayaa la sheegay in xilligaasi ay wadeen dhaawaca laba askari, oo ku dhaawacmay qarax gaari oo gelinkii dambe ee maanta ka dhacay Degmada Boondheere. Sida dadka deegaanku ay sheegeen haweeneydaasi ayaa haleeshay rasaas ay waddada ku furanayeen ciidamada.

Xaalad dhanka amniga ah ayaa in dhawaalaba laga dareemayay Caasimadda Muqdisho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com